Hargeysa (PP Faallo) — Ma fogeyn marka dad badan oo Muqdisho ku nool difaacayeen sharcinimada xildhibaannada Somaliland ka soo jeeda. “Xildhibaannadiinnu Xamar bay joogaan” bay ugu jawaabi jireen qofka ku dooda in Soomaaliya kala go’day.

Su’aasha weriyaha ka tirsan Dalsan weyddiiyay Xildhibaan Maxamed Xayir Maareeye ku saabsan inuusan Somaliland tagi karin waa mid daba socota hadalkii Cadde Gaabow uu meel uga dhacay magaca Muqdisho markuu yidhi: “ Jirde Xuseen iyo Cabdullaahi Oomaar guryo uun bay Xamar ka dhisteen. Dad baa dhulka leh.” Jirde iyo Oomaar wax guryo la dhiso ka weyn bay Xamar ka qabteen. Hanti aysan Hargeysa gelin bay Muqdisho geliyeen, abuureen fursado shaqo oo badan, noqdeen tusaale Soomaali badani ku hirtaan.
Marka habka awood-qeybsiga xaqdarrada ah ee 4.5 la eego, Maareeye wuxuu ka mid yahay beel ka mid ah afarta beelood. Maxaa diiday in la isweyddiiyo sababta Muqdisho weli caasimad u tahay iyadoo weli raadkii boobka hantida shacabku sii muuqdo iyo Muqdisho oo siyaasiyiin gaadh ihi sheeganayaan? 30 sano kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa weli jira siyaasiyiin gelinka horena midnimada Soomaaliya u heesaya, gelinka dambena u sacabbotumaya tirtiridda jiritaanka qarannimada Soomaaliya.

Cadde Gaabow wuxuu yiri: “Ma anigaa dekedda Berbera xukuma?” Ma aha su’aal meesha ku jirta marka Cadde Gaabow aamminsan yahay in Xamar xukunto Hargeysa iyo Berbera qarannimada Soomaaliya awgeed. Siyaasiyiinta Xamar ayaa 4.5 keenay laakiin, 20 sano kaddib, arkay inaysan ugu badanin waayo beel kasta 20% fursad bay leedahay, dowlad kasta oo la dhisana ma laha awooddii urursanayd oo ay dowladdii dhexe lahaan jirtay ka hor 1991kii.
Maxaa keenay in siyaasiyiinta Muqdisho badankood u arkaan xildhibaannada Somaliland halis? Xildhibaannada Somaliland waxay muujiyeen firfircooni siyaasadeed oo kor u qaadday martabaddooda, oo markii hore u ekeysiiyay siyaasiyiin Muqdisho marti ku ah. Waa sababta jawaabaha Maareeye bixiyay ugu salaysan yihiin nabaddoonnimo iyo fiiro-dheeri siyaasadeed.
You must be logged in to post a comment.