Ra’iisul Wsaaraaha waddanka Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladdiisa, xilli uu weli sii xoogaysanayo dagaalka ka socda Gobolka Tigreega ee dalkaas.
Ra’iisul wasaare Abiy ayaa xilka ka qaaday Taliyihii ciidamada Milateriga, Agaasimihii Laanta sirdoonka iyo wasiirkii arrimaha dibedda, waxaana uu magacaabay mas’uuliyiin cusub.
Demeke Mokenen, oo ahaa Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka dalka, ayuu Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia, halka Burhanu Jula, Madaxii Howlgalinta Ciidamada Qalabka Sidda loo Magacaabay, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sidda.
Madaxweynihii Deegaanka Amxaarada Tamasgen Tirahun ayaa isna loo magacaabay Agaasimaha Guud ee hay’adda Sirdoonka Ethiopia, halka Agaasimihii hay’adda Sirdoonkana loo beddelay Ciidanka Booliiska.
PUNTLAND POST