Waa maxay Ajandaha Golaha Shacabka ee maanta?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah kulankoodii  caadiga ahaa ku yeelanaya Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Sida uu qorshahu yahay ajendaha kulanka Maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Warbixin ku saabsan saameynta Cudurka halista ah ee COVID-19 ee cunto soo saarka iyo nafaqada dalka iyo Warbixin ku aadan saameynta COVID-19 ee Ganacsiga.

Sidoo kale inta uu socdo kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa Akhrinta labaad lagu marsiin doonaa Hinside sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya oo todobaadkii hore Golaha Akhrinta Koowaad marsiiyeen.

Xalay ayaa waxaa Xildhibaanada Golaha Shacabka loo diray fariimo ku aadan inuu jiro kulan, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan, si loo dardar-geliyo shaqooyinka horyaalla Baarlamaanka.

PUNTLAND POST