Baarlamanka Itoobiya oo ansixiyay go’aan dowlad ku meel gaar ah loogu dhisayo Ismaamulka Tigreega

Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay go’aan dowlad kumeel gaar ah loogu dhisayo is-maamulka Tigreega ee dalka Itoobiya.

Qaraarka aqalka sare meel mariyay ayaa ka dhigan in isbeddel lagu samayn doono Golaha fulinta iyo sharci dajinta ee Gobalka Tigreega haatan ka jira kuwaas oo la sheegay in aanay sharci ahayn.

Dowladda ku meel gaarka ayaa ka shaqeyn doonta dhisida xubnaha Fulinta,meel marinta Miisaaniyadda Gobalka iyo Diyaarinta doorashooyinka.

Aqalka sare ayaa horay u joojiyay wada shaqeynta maamulka haatan ka jira Tigreega, waxayna ku tilmaameen kuwo aan Dastuurka waafaqsaneyn.

PUNTLAND POST