Ayax xaalufiyay beero ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose

Ayax diigaanyo ah oo gaaray gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku habsaday beero ku yaalla gobolka, gaar ahaan degmada Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoostaga.

Ayaxa ayaa baabi’iyay dalagyada beeraha sida Galeyda,Digirta, Sisinta iyo dalagyada kale ee ka baxa beeraha, wuxuuna sidoo kale baabi’iyay daaqsinkii xoolaha.

Malaaq Cabdullaahi Suleymaan Cumar oo ku sugan degaanka  ayaa sheegay in iyadoo ay ku dhibanyihiin fatahaada webiga shabeelle uu ka geystay degaanka iyo cudurada ka dhasha, hadda ugu darsantay Ayaxa oo xaalufiyay dalagyadii ay beerteen.

Malaaqa ayaa dowladda federaalka,maamulka Koofur galbeed iyo Hay’adaha samafalka ka codsaday in laga soo gaaro dadka ku nool Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoostaga oo uu sheegay in beerihii ay tacbadeen qaarna fatahaada webiga ay goysay kuwa kalena Ayaxu xaalufiyay.

Ayaxa ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay wuxuu soo gaaray gobolka Shabeellaha dhexe balse hadda wuxuu usoo talaabay shabeellaha hoose,waxeyna dadku wajahayaan xaalado adag oo fatahaadu qeyb ka yihiin.

PUNTLAND POST