Puntland oo soo dhowaysay Qaxooti ka soo cararay dalka Yemen

Mas’uuliyiinta Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Dowladda Puntland, ayaa Gelinkii dambe ee Shalay Dekedda Boosaaso ku soo dhoweeyay Qaxooti gaaraya 65 Qoys, oo ka kooban Soomaali iyo Yemeniyiin, kuwaas oo ka soo cararay colaadda ka aloosan dalka Yemen.

Qaxootigan cusub, ayaa markii ay soo gaareen Boosaaso, waxa loo gudbiyay xarun lagu qaabilo Qaxootiga oo Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ay ku leedahay gudaha magaalada, halkaas oo lagu hayn doono mudda todoba maalmood ah, si loogu diiwaan-geliyo ka hor intaan dib u-dejin loo samayn.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, oo kaashanaysa hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UHCR iyo hay’adda Socdaalka Dunida ee IOM, ayaa muddooyinkii u dambeeyay qaabilaysay Qaxooti kala duwan oo ka imaanaya dhinaca Yemen, kuwaas oo isu’gu jira Soomaali iyo Yemeniyiin.

PUNTLAND POST