Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xallinta Khilaafaadka heer Federaal

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa saaka oo Khamiis ah magacaabay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka 2020/2021.

Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa lagu magacaabay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, oo ka kooban 25 xubnood iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka 2020/2021, oo ka kooban 21xubnood.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Guddiyada uu magacaabay faray in ay si hufnaan iyo caddaalad ku jirto u gutaan waajibaadka Shaqo ee loo xil-saaray, taas oo ku qeexan Heshiiskii Habraaca Doorashooyinka ee ay Muqdisho ku gaareen Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka.

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, ee uu Mr Rooble magacaabay, waxa Puntland ku matala laba xubnood oo kala ah; Muuse Geelle Yuusuf (Faroole) iyo Cabdiweli Cali Cabdulle (Tima-cadde), halka Guddiga Xallinta Khilaafaadka ay ku matalaan laba xubnood oo kala ah; Burhaan Cilmi Xirsi (Burhaan Cilmi Filig) iyo Yaasmiin Maxamuud Cabdi.

Hoos ka akhriso Dikreetada

PUNTLAND POST