Maanta oo kale 2016: Waxaa la doortay xildhibaannadii ugu horreeyay ee aqalka hoose

Maanta oo kale, 5-tii November, 2016-kii, waxaa ka billaabatay doorashadii xildhibaannada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee hadda wakhtigoodu dhammaaday.

Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayay maalin sabti ah ka dhacday codeyntii ugu horreysay oo ergooyin ay doortaan xildhibaanno kamid noqonaya baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya.

Mudanihii ugu horreeyay ee aqalka hoose ee la doorto wuxuu ahaa xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh. Doorashada Cali Xoosh ma ahayn mid xiiso leh, maadaama ay horey odayaasha dhaqanku kaligiis u asteeyeen kursiga.

Sidoo kale maalintaas waxaa Garowe lagu doortay 9 xildhibaan oo kale oo qaarkood ay ku soo baxeen dirqi.

10-kii xildhibaan aqalka hoose ugu horreeyay ee la doorto waxay kala ahaayeen.

1. Cali Yuusuf Cali Xoosh

2.   Axmed Ismaaciil Maxamed

3.   Muuse Axmed Ismaaciil

4.   Cumar Ismaaciil Waaberi

5.   Maxamuud Xayir Ibraahim

6.   C/rashiid Maxamuud Xasan

7.   C/naasir Siciid Muuse

8.   Daahir Xaaji Geelle Faarax

9.  Daahir Cali Faarax

10. Cilmi Cumar Cilmi.

Afar sano kadib weli lama dooran xildhibaan ka mid noqonaya baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxaana muuqata in dowladda hadda jirta wakhti ku darsan doonto.

Sida ku cad jadwalkii doorashada ee soo baxay 2-dii bishii October waxay ahayd in guddiyada labada heer ee doorashada la magacaabo inta u dhaxaysa 10-ka ilaa 20-ka October, sidoo kale 1-da bishan November ay bilaawdaan soo xulista iyo diyaarinta ergooyinka soo dooran lahaa baarlamaanka, hayeeshee howshaasi ma fulin.

Jadwalka doorashada 2020/2021

Ma jirto cid weli ka hadashay dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashada Soomaaliya ee 2020/2021, balse warar aan heleyno ayaa sheegaya in sababta dib u dhaca keentay ay tahay doorashada Hirshabeelle oo dowladda federaalka ay rabto inay maamulkaas madaxweyne uga dhigto nin daacad u ah inta aan la dooran xildhibaannada labada aqal.

PUNTLAND POST