Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, ayaa maanta oo Khamiis ah magacaabay Guddi-hoosaadka heer Dowlad Goboleed, ee Arrimaha Doorashooyinka 2020/2021 kala shaqayn doona Guddiga Doorashooyinka heer Federaal.
Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta Gareen, oo lagu magacaabay Guddiga, ayaa laga tix-raacay Heshiiskii Siyaasadeed Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo Muqdisho lagu saxiixay 17-kii September 2020, islamarkaana Baarlamanku ansixiyay 26-kii September 2020.
Guddiga oo ka kooban 8 xubnood, waxaa ku biiri doona saddex xubnood oo ka imaanaya dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad Heshiiskii Siyaasadeed ee lagu go’aamiyay Hannaanka Dooorashada 2020/2021, kaas oo Muqdisho lagu saxiixay 17- September 2020.
Magacaabidda Madaxweyne Lafta Gareen, ayaa ku soo beegmatay saacado kadib markii Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble magacaabay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.
Hoos ka akhriso Wareegtada

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.