Maxkamadda Boosaaso oo dil ku xukuntay laba nin oo kufsi iyo dil u gaystay gabar yar

Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Boosaaso, ayaa maanta oo Arbaco ah xukun dil ah ku ridday, laba nin oo lagu helay dilka gabar yar oo da’deeda lagu sheegay 14-sano jir, taas oo 24-kii October 2020 maydkeeda laga helay gudaha Boosaaso.

Maxamed Cabdi Faray iyo Cabdiraxmaan Maxamed Isaaq, ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in ay dileen marxuumad Niciimo Cabdi Maxamed, kadib markii ay gaari ku qaateen xilli habeen ah, islamarkaana ay kufsi iyo dil isu’gu dareen marxuumadda.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay hal sano oo xabsi ah iyo $500 Dollar oo ganaax ah ku ridday, nin lagu magacaabo Gaarrane Faarax, oo la sheegay in uu lahaa sababta gabadha yar lagu geeyay Boosaaso, balse uusan la wareegin mas’uuliyadeeda.

Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee Gobolka Bari, Abukar Cabdinuur Jaamac oo ku dhawaaqay xukunka, ayaa sheegay in xukmanayaashu ay Rafcaan qaadan karaan mudda 30 cisho gudahood ah.

PUNTLAND POST