Ilhaan Cumar oo ah Gabadha keliya ee Soomaaliyeed, oo ka tirsan Golaha Wakiilada Maraykanka, ayaa saacado ka hor dib loo doortay kadib markii ay difaacatay kursigeeda.
Mrs Ilhaan oo ay tartan adag la galeen musharixiin dhawr ah, ayaa dhammaantood kaga guulaysatay Kursiga, iyadoo doorashada ay codkooda ka dhiibteen Soomaali badan.
Ilhaan Cumar ayaa 2018-kii, waxa ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah oo loo doorto in ay xubin ka noqoto Aqalka Koongareeska ee waddanka Mareykanka.
Ilhaan Cumar, ayaa waxa maalintii dhaarinta lagu dhaariyey bannaanka Aqalka Koongareeska ee Mareykanka, iyadoo la timid Kitaab Qu’raan ah oo uu awoowgeed horay hadiyad ahaan ugu siiyay.
PUNTLAND POST