Xildhibaannada Baarlamanka Hirshabeelle, ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Arbaco ah Jowhar ku doortaan Guddoonka cusub ee Baarlamanka labaad ee Maamulkaasi.
Musharrixiinta u tartamaya Xilka Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle iyo ku xigeennadiisa, ayaa Talaadadii Shalay xildhibaannada u jeediyay khudbado ku saabsan Barnaamijkooda siyaasadeed ee u qorshaysan haddii la doorto.
Xilka Guddoomiyaha Baarlamanka, waxa u sharraxan laba mudane oo kal ah; Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, halka Guddoomiye ku xigeenka kowaad ay u sharraxan yihiin Siraaji Sheikh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame.
Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Hirshabeelle, waxaa u tartamaya Mahad Xassan Cusmaan iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horay u soo noqotay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Hirshabeelle.
PUNTLAND POST