Booliiska oo soo bandhigay laba nin oo qirtay dilka gabar maydkeeda laga helay Boosaaso

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari, ayaa si rasmiya u shaaciyay in gacanta lagu dhigay nin, oo ku eedaysan dilka gabar dhowaan maydkeeda laga helay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Howlgal qorshaysan oo Booliiska Gobolka Bari ka fuliyeen xaafad ku taalla dhanka Bari ee Boosaaso, ayaa lagu soo qabtay labada nin, oo ku eedaysan dilka Alle ha u naxariistee Niciimo Cabdi Maxamed, oo dhowan maydkeeda laga helay Boosaaso.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyay labada eedaysane ay si cad u qirteen dilka marxuumad  Niciimo Cabdi Maxamed, wuxuuna sheegay in baaritaanka ay ka qayb-qaateen laamaha kala duwan ee baarista u qaabilsan Puntland.

Taliyaha ayaa sidoo tilmaamay in maxkamad  la horgayn doono labada nin ee ku eedaysan dilka marxuumadda, islamarkaana sharciga la marin doono, maadaama ay qiraal ku yihiin danbiga loo haysto.

Hoos ka eeg sawirada eedaysanayaasha

PUNTLAND POST