Madaxweynihii dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si rasmiya u shaaciyay in uu xilka iska casilay sida ku cad warqad ka soo baxday Xafiiskiisa.
Madaxweyne Waare oo warqadda Iscasilaaddiisa kaga sheekeeyay Taariikhda laga soo maray dhismaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in hannaakii markii hore lagu dhisay Hirshabeelle uu ahaa mid qaldan taas oo is daba-marin badani ku jirtay.
Mudane Waare wuxu sidoo kale soo jeediyay in doorashada Hirshabeelle ee haatan dib loo dhigo inta ay ka dhammaanayso doorashada heer Federaal si ay u noqoto mid xasiloon oo hannaan wanaagsan ku dhacda.
Sidoo kale wuxu nasiib darro ku tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo duubabka dhaqanka Hirshabelle ay qayb ka yihiin dhibaatada ka taagan dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Halkaan ka akhriso Iscasilaadda

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.