TAARIIKHYAHANADII CARBEED EE DHULAKA SOOMAALIDA WAX KA QORAY.
Waxa aynu soo sheegnay in diinta islaamku ay dhulka soomaalida soo gaartay xilli ku siman qarnigii koobaad ee soo ifbixitaankeedii. Haddana sidaas oo ay tahay markii ugu horaysay ee dhulka soomaaalida iyo dadkoodaba ay taariikhyahannadii iyo badmareennadii carbeed ee muslimka ahaa ay xusaan, waxa ay ahayd qarnigii saddexaad ee Hijriga. Ciddii ugu horaysay ee dhulka soomaalida xustana waxa uu ahaa caalimkii waynaa ee juquraafiyahanka ahaa ee Abu Cabbaas Al-Yacquubi oo kitaabkiisi taariikhda ku xusay.
Horraantii qarnigii afraad ee Hijriga oo ku beegan bilowgii qarnigii tobnaad ee Miilaadiga waxaa xeebaha dhulka soomaalida maray taarikhyahankii carbeed ee Abu Xasan Cali Ibn Xuseen Al-Mascuudii.
Mascuudii, mar uu tafaasiil ka bixinayey dhulka iyo dadka soomaaliyeedba waxa uu kitaabkiisa ‘Muruuj A-dahab’ ku yiri: “Badda Xabashidu waa khaliij xiriiriya dhulka Xabashida siina mara dhulka Barbarka, illaa uu ka gaarayo dhulka Zinji. Waxaana loo yaqaan marinka Barbara. Dhererkiisu waa 500ml ballacuna waa 200ml. Barbarkaanu maahan midkii dagganaa waqooyiga Afrika, ee waa umad kale oo daggan dhulka u dhaxeeya Xabashida iyo Zinjiga oo ah dad madow. Waa dadkii dumarkooda meherka uga dhigi jirey ninka ay dilaan cisalkiisa. Waana dad aan xaddarad lahayn”
Waxaa jira taariikhyahanno badan oo carbeed oo xilligaas hore dhulka soomaalida wax ka qoray sida Abu Isxaaq Ibrahim Ibn Muxammed Istikhri, Mohamed Ibn Ahmed Al-Maqdasii iyo Ibn Xawqal. Istikhri oo noolaa qarnigii tobnaad ee miilaadiga waxa uu kitaabkiisa ‘Al-Mamaalik Wal-Masaalik’ uga hadlay magaalada Zaylac iyo dhaqdhaqaaqii ganacsi ee xilligaas ka jiray. Waxa uuna yiri: “Kasoo horjeedka Cadan waxa ahaa dhulkii haraggaha laga sameeyo kabaha looga keeni jiray Yaman. Dhulkaan waxaa daggan dad Muslim ah oo leh marso la yiraahdo Zaylac oo ah meesha loo maro Yaman iyo Xijaas“.
Markii la soo gaaray qarnigii 12aad iyo 13aad ayaan oran karnaa waa markii ay taariikh iyo juqiraafiyahannadii carbeed ee muslimiinta ahaa ay dhulka soomaalida ka qoreen tafaasiishii ugu horraysay oo wax ku oola. Dadka xilligaas noolaa ee dadka iyo dhulkaba si wanaagsan wax uga qoray waxaa ka mid ahaa Shariif Al-Idirisii, Ibn Saciid iyo Yaaquut Al-Xamawi.
Tusaale ahaan, Shariif Al-Idiriii waxa uu kitaabkiisa ‘Nus.hatul Mushtaaq Fii Ikhtiraaq Al-aafaaq’ ku xusay tuulooyin tiro badan oo u dhaxeeyey magaalada Zaylac illaa Marka oo uu ku sheegay in ay ahaayeen dhulkii Barbarka. Tuulooyinkaas oo isugu xiga sidii uu u qoray waxay ahaayeen: Zaylac, Manquuna Qaljuun, Aqnat, Baaqide, Badaa, Juh, Qarqoona, Barma, Xaafuun, Haawiya, Marka iyo Najaa oo uu ku sheegay in ay ahayd meesha ugu dambaysa dhulka Barbarka.
Mar uu tilmaan ka bixinayey magaalada Zaylac, waxa uu Shariifku yiri: “Zaylac, waa magaalo yar qaddar ahaan, laakiin dad ahaan badan, oo dadka u soo safraana ay badan yihiin. Inta badan maraakiibta badda Qalsam (badda cas) magaaladaan ayay u soo qasdiyaan. Iyaga oo wada noocyada tijaarada ku socota dhulka Xabashida. Waxayna ka soo qaadaan addoonta iyo qalinka. Dahabku laakiin waa uu ku yaryahay. Waxa ay ka cabbaan ceelasha, dharkooduna waa suuf guntasho ah”
Mar uu Shariifku tilmaan ka bixinayey marsooyinkii dhulka Barbarka ka midka ahaa ee gacanka Cadmeed iyo badda Hindiya saarnaa waxa uu yiri: “Magaalooyinka Qarqoona, Marka iyo Najaa waxa ay ka mid yihiin dhulka Barbarka waana halka badeecadda u soo qasdidaa ku dhamaato, waxa ayna saaran yihiin badda Yamaneed, dadkooduna waxa ay cunaan hilibka qubada oo ay u yaqaanaan Basah. Magaalada Juh illaa Qarqoona labo bari oo xagga badda ah ayaa loo kala socdaa. Qarqoona illaa Barmana waxaa loo kala socdaa saddex bari oo dhanka badda ah, halkaas ayuuna ka bilowdaa jabalkii Xaafuun ee toddobada madax lahaa, baddana ku jirey Afartanka Mayl. Madaxyada Jabalkaan waxaa ku teedsan tuulooyin yaryar oo ay ka mid tahay mid la yiraahdo Hawiya. Xaafuun ilaa Marka oo ah magaalo uu wabi soo galo, dadkeeduna beerto masaggada waxaa loo kala socdaa saddex majaar oo fudud oo dhanka badda ah. Marka illaa Najaa oo ah halku ugu dambaysa dhulka Barbarkana waxaa loo kala socdaa maalin iyo bar dhanka badda, barrigana afar maalmood.”
Shariifku magaca Hawiya waxa uu ku tilmaamay tuulo Xaafuun ku dhawayd, laakiin ibn Said oo isaga qarni in ka badan ka dambeeyay ayaa Hawiyaha ku tilmaamay sida aynu cutubka labaad ku arki doonno ummad Barbarka ka mid ahayd oo dagganayd konton tuulo oo hoos tagi jirtay magaalada Marka. Arintaan waxa aynu si fiican uga ka hadli doonaa marka aynu joogno cutubka labaad ee daka Soomaaliyeed oo aynu ku caddayn doonno in Barbarkii dhulka dagganaa uu ahaa awoowayaashii hore ee Soomaalida maanta.
Yaaquut Al-Xamawi oo noolaa qarnigii 13aad waxa uu kitaabkiisa ‘Mucjam Al-Buldaan’ si wanaagsan ugaga sheekeeyey magaalada Zaylac iyo dadkii ku noolaa, caadooyinkii iyo dhaqamadii qariibka ahaa ee ay lahaayeen iyo in ay u cilmi doonaan jireen dhulka Maqrib Al-Carabi oo looga yaqaanay dadkii Zuhdiga iyo Quraanka jeclaa. Sidoo kale waxa uu sheegay in dadkii Barbarka la oran jirey ee dhulka soomaalida dagganaa ay ahaayeen dad madow oo ku hadla luuqad aan qornayn.
Yaaquut, mar uu tilmaamayey magaalada Muqdisho iyo nooca ay ahayd waxa uu sheegay, in magaaladu ahayd magaalo ganacsi oo laga qaadi jirey Canbarka, Sandalka iyo Caajka. Waxa uu yiri: “magaaladaani waxa ay ku taallaa bartanka dhulka Barbarka laakiin dadka daggani waxaa weeye dad qalaad oo aan madoobayn, boqor u taliyana aan lahayn, laakiin guurti ayaa taladooda goysa.” Yaaquut waxa uu u jeedaa in uu ku baro in dadkii xilligaa Muqdisho dagganaa ay ahaayeen dad gibilcad ah oo soo galooti ahaa.
Ugu dambayntiina waxaa macluumaadkii ugu wanaagsanaa dhulka soomaalida ka qoray badmareenkii caanka ahaa ee reer Maqrib Ibnu Batuuta oo isagu booqday magaalada Zaylac iyo Muqdisho. Ibnu Batuuta oo noolaa qarnigii 14aad, sidii raggii ka horeeyey oo kale ayuu dhulka u dhaxaysa Zaylac illaa Muqdisho ku tilmaamay dhulkii Barbarka.
Badmareenku waxa uu magaalada Muqdisha oo uu xoogaa ku nagaaday ku tilmaamay magaalo wayn oo ganacsi oo qaniya. Waxa uu sheegay in magaalada uu ka jiray ganacsi xoog lihi iyo in dharka lagu sameeyo Muqdisho uu caan ka ahaa dhulka carabta gaar ahaan Masar. Si ka gadisan Yaaquut Al- Xamawi oo qarni ka hor Muqdisho ku tilaamay magaalo aan nidaam siyaasadeed lahayn, Ibn Batuutu waxa uu xilligiisii Muqdisho ku sheegay magaalo lahayd hannaan iyo nidaam dawladnimo, oo waliba suldaanka talada hayey uu ahaa dadkii dhulka lahaa ee Barbarka, halka qaaddiga magaaladuna uu ahaa mid reer Masar ahaa. Eeg, kitaabkiisa Rixlatu Ibn Batuuta.
La soco qaybta 6aad oo ka hadli doonta xilligii Boortaqiiska.
Mohamed Ahmed Elmi.