Sheekh Shariif oo ku wajahan Jowhar

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sh Axmed iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Warrarku waxay sheegaayaan  in Ujeedka Sheekh Shariif uu yahay sidii loo dardar-gelin lahaa ololaha Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo tan Madaxweynaha oo maalmaha soo socda la filayo in ay dhacaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa inta uu ku sugan yahay Jowhar, waxaa uu kulan uu la qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle, Xildhibaanad Cusub, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan Bulshada, isagoo kala hadli doono arrimo kala duwan.

 Saacadaha soo socda, ayuu Sheekh Shariif tegi doono halkaas, waxaana magaalada laga dareemaya qaban-qaaban soo dhaweynta Shariif  iyo wefdiga la socda.

PUNTLAND POST