Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa is rasaasayn kooban oo saaka ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaanna nawaaxiga Isgoyska Dabka.
Dabley hubaysan oo watay mooto bajaaj iyo ciidamo dharcad ah, oo ka tirsan Nabad sugidda NISA, ayaa la sheegay in waaberkii hore ee saaka iska hor-imaad kooban ku dhexmaray Isgosyka Dabka.
Dableyda mootada watay, ayaa la xaqiijiyay in ay weerar ku qaadeen ciidamo dharcad ah oo ka tirsan Nabad sugidda NISA, islamarkaan ilaalo ka hayay Kaamirooyin ku xiran wadada.
Inta la xaqiijiyay, iska hor-imaadka waxa ku geeriyooday laba ruux, waxaana ku dhaawacmay mid kamid ah dableydii weerarka soo qaadday, sida laga soo xigtay Laamaha Amniga.
Shakhsiga dhaawacmay oo gacanta lagu dhigay, ayaa la geeyay mid kamid ah isbitaallada magaalada halkaas oo lagu dabiibayo xaaladdiisa caafimaad.
PUNTLAND POST