Al-shabaab oo bayaan ka soo saartay weerarada ka socda Faransiiska

Kooxda Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku bogaadisay weerarro argagixiso oo maalmihii u dambeeyay ka dhacayay gudaha dalka Faransiiska, kuwaas oo ay lala beegsaday dad rayid ah.

Sida ku cad bayaanka, mowqifka hoggaanka sare ee Al-shabaab waa mid taageersan weerarada kala duwan ee ka dhacay dalka Faransiiska, islamarkaana lagu beegsaday rayidka iyo goobaha kaniisadaha.

Al-shabaab waxay sheegtay, in beegsigaas uu jawaab u yahay kuwa aflagaaddada iyo cayda ku sameeyay suubbane Nebi Muxamed (NNKH), oo haddana ku tilmaamay xorriyad-hadal.

Hadii xuriyada hadalkiinu aysan wax xuduuda ah oo celiya lahayn, idinkuna u dulqaata xoriyada ficiladeena” ayaa lagu yiri bayaanka.

PUNTLAND POST