
Waxaa maanta oo Sabtiya Garoowe soo gaaray Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh, oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, lagana soo doorto magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Xildhibaan Cali Xoosh oo ka soo kicitimay magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta, waxaa Garoonka Diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyay siyaasiyiin miisaanleh, ganacsato, mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay golayaasha kala duwan ee Puntland, waxgarad, haween, dhalinyaro iyo taageerayaal isaga yimid dhammaan xaafadaha kala duwan ee Garoowe.
Xildhibaan Xoosh, oo hadal kooban ka jeediyay goobta lagu soo dhoweeyay, ayaa u mahadceliyay dhammaan taageerayaashiisa iyo dadka kala duwan ee ka qayb-qaatay soo dhowayntiisa” Waad mahadsan tihiin dhammaan, soo dhowayntan qiimaha badan aad baan idinka mahadcelinaya, aad iyo aad baan idiinka mahadinayaa” ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.
Mudane Cali Xoosh, oo mar kale u sharraxan xubinnimada Golaha Shacabka, ayaa sidoo kale sheegay in soo dhoweynta loo sameeyay ay ku dhiirri-gelinayso in wixii uu horay u qabtay ka badan uu qabto, isagoo xusay in shacabka soo dhoweeyay ay yihiin dad abaal-badan oo aan illaawin cid kasta oo waxqabad muujisay.
Halkaan ka eeg Sawirada Soo dhoweynta
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.