Karaash oo buriyay Warqad ka soo baxday Wasiirka Ganacsiga Puntland

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, ahna Kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan(Karaash), ayaa buriyay warqad ka soo baxday Wasiirka Ganacsiga Puntland, taas oo lagu kala diray Guddiga Maamulka Rugta Ganacsiga Puntland.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka, oo lagu socod-siiyay Wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, islamarkaana la ogaysiiyay Madaxweyne Deni, ayaa lagu buriyay warqaddii kala dirista Guddiga Maamulka Ganacsiga Puntland.

Wasiirka Cabdullaahi Cabdi Xirsi, ayaa Madaxweyne ku xigeenku amar ku siiyay, in uu ka laabto warqaddii kala dirista Guddiga Maamulka Ganacsiga, waxaana Guddiga lagu wargeliyay in ay shaqadooda sii wataan, inta ay ka dhammaanayaan doorashooyinka Soomaaliya.

Kala diristii uu Wasiirka Ganacsiga Puntland kula kala diray Guddiga Maamulka Rugta Ganacsiga Punntland ayaa dhalisay khilaaf iyo isqabqabsi u dhexeeya Wasaaradda iyo Maamulka Rugta Ganacsiga.

14-kii bishan October Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland Cabbdullaahi Cabdi Hirsi ayaa kale diray Gudigii Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlada Puntland, isaga oo ganacsatada Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan doorasho.

15-kii bishan October Maamulka Rugta Ganacsiga Puntland ayaa ka hortimid, kuna tilmaamtay faragelin aan sharci ahayn go’aankii Wasiirka Ganacsiga Puntland.

27-kii bishan October, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland ayaa ku simaha Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha u macagaabay Maxamed Cali Axmed.

28-kii bishan October Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Puntland ayaa magacaabay Guddiga doorashada Rugta Ganacsiga iyo Puntland.

29-kii bishan October, Rugta Ganacsiga ayaa Baarlamaanka Puntland u soo jeedisay inay toosin u sameeyaan Wasaaradda Ganacsiga, iyadoo xustay in aysan awood u lahayn magacaabista la xiriirta Guddiga doorashada iyo Xoghayaha guud.

Hoos ka akhriso wareegtada Axmed Karaash

PUNTLAND POST