Dhul giriir sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay dalka Turkiga

Ugu yaraan 12 ruux ayaa geeriyootay, 522 qof oo kalena waa ku dhaawacmeen kaddib markii dhul gariir xooggan Jimcihii ku dhuftay Gobolka Izmir ee dalka Turkiga sida ay shaacisay Hay’adda Maareynta musiibooyinka ee dalkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Izmir Yavuz Selim Kosger, ayaa sheegay in kooxaha gurmadka deg deg ah ay soo badbaadiyeen 70, qof oo ku hoos jiray dhismayaasha dumay, waxaan ay weli ku howlanyihiin sidii loo baadi goobi lahaa dadka kale oo lagu la’yahay burburka.

Duqa magaalada Izmir Tunc Soyer, ayaa tilmaamay in ku dhawaad 20 guri uu bur buriyay dhul giriirka, isagoo intaa ku daray in meelaha ugu daran ee uu saameeyay dhul giriirka ay tahay degmooyinka Bayrakli iyo Bornova ee Gobolka Izmir.

Wasiirka Deegaanka waddanka Turkiga Murat Kurum, ayaa isna sheegay in dad badan ay ku xanibanyihiin ilaa iyo shan dhismo oo ku dumay dhul giriirka, waxaana uu intaa ku daray in kooxaha gurmadka deg deg ay ku howlyihiin sidii dadkaasi loo soo bad baadin lahaa.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa dhankiisa shaaciyay in dowladdu ay u istaagtay sidii loogu gurman lahaa muwaadiniinta uu waxyeelada u geystay dhul giriirka ka dhacay Gobolka Izmir.

PUNTLAND POST