Abukar Cawaale oo laga soo cayrshay magaalada Laascaanood

Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa xalay magaalada Laascaanood mudda  kooban ku xiray Abukar Cawaale Qaad-diid, oo u ololeeya joojinta Qaadka, kadib markii uu gelinkii dambe ee shalay gaaray halkaasi.

Abukar Cawaale, oo doonayay in uu saaka oo Arbaco ah gudaha Laascaanood ka bilaabo wacyi-gelin ku saabsan joojinta Qaadka, ayaa xalay Booliiska Somaliland ka qabteen hotel ku yaalla Laascaanood, inkastoo markii dambe ay sii daayeen.

Abukar Qaad-diid, ayaa isla xalay u soo gudbay dhinaca Puntland, waxaana uu haatan ku suganyahay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, oo uu shalay ka tegay  ka hor inta aanu Laascaanood tegin.

PUNTLAND POST