Wararka ka imaanaya degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa sheegaya in saaka halkaas ay ka aloosantahay xiisad colaadeed oo u dhexaysa Somaliland iyo dadka Degaanka.
Gudaha magaalada Laascaanood ayaa tan iyo xalay laga maqlay Rasaas goos-goos ah, waxaana xaafadaha qaarkood lagu arkayay dabley hubaysan oo hab qabiil u abaabulan, sida ay sheegeen goob-joogayaal ku sugan Laascaanood.
Isniintii shalay, dabley hubaysan ayaa xabsiga Laascaanood kala baxay dad loo soo qabtay dilal ka dhacay Gobolka, kuwaas oo u xirnaa Booliiska Somaliland.
Sidoo kale, Somaliland aya xalay Xabsiga dhigtay Sarkaal ka tirsan Ciidamada oo ka soo jeeda Gobolka Sool, kaas oo aan weli la sheegin sababta loo xiray iyo danbiga loo haysto midna.
Gobolka Sool, waxa sannadihii u dambeeyay ka dhacay dagaal beeleedyo hubaysan oo dhexmaray Bulshada Degaanka, kuwaas oo dad badani ku dhinteen, islamarkaana barakac iyo burbur keenay.
Dhinaca kale, waxa Degaanka ka dhacay dagaallo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo mudda dheer ku muransan Gobolka Sool, waxaana Gobolka loo aqoonsaday mid ay ku muransan yihiin labada maamul.
PUNTLAND POST