Guddoomiyaasha Maxkamadaha Gobolada Maamulka Galmudug oo la dhaariyay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa ka qeybgalay musaanabad lagu dhaarinayey Guddoonka Maxkamadaha iyo Xeer ilaalinta Galmudug.

Munaasabaddan oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu dhaariyay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobalada iyo kuxigeennada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug oo dhawaan uu magacaabbay Madaxweyne Qoor Qoor.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka iyo  Gudoomiyaha Maxakamadda Sare, Xeer-ilaaliyaha Guud, Hanti-dhowrka Galmudug, xubno katirsan labadda Gole ee Maamulka iyo dhammaan howl-wadeennada caddaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug Garyaqaan, Cabdullaahi Maxamuud Gacal, oo dhaariyay xubnaha cusub ee guddoonka maxkamadaha iyo xeer ilaalinta ayaa kula dardaarmay in ay si daacad ah ugu adeegaan bulshadda.

Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa isna bogaadiyay xubnaha cusub ee garsoorka, Isagoona faray in ay xilkooda u gutaan si daacad ah oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka, ayna ka hormariyaan danta guud middooda gaarka ah.

PUNTLAND POST