
Ajandaha Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo ka kooban 15 Qodob ayaa saaka oo Talaado ah si rasmiya loo shaaciyay.
Sagaalka Qodob ee ugu muhiimsan Ajandaha, waxa kamid ah; ka doodista Heshiis kasta oo Xukuumadda Puntland la gashay Dowlad ama Shirkad gaar loo leeyahay, Arrimaha Dhaqaalaha iyo Sicir-bararka, La-xisaabtanka Xukuumadda, Xaalufinta Degaanka iyo Jariifka, dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, Xaaladda Gobollada SSC, Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Hehiiska DP World ee Dekedda Boosaaso iyo Ansixinta Miisaaniyadda 2021-ka.
Hoos ka akhriso Ajandaha oo dhan


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.