
Madaxweynaha Dowladda Puntand, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta oo Isniin ah safar ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Ethiopia.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa, waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Saraakiil Madaxtooyo iyo mas’uuliyiin kale.
Safarka Madaxweyne Deni ee dalka Ethiopia, ayaa ku saabsan Arrimaha Horumarinta Ganacsiga iyo Wax soo-saarka Khudaarta, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.
Ethiopia iyo Puntland, waxa ka dhexeeya xiriir Ganacsi oo u badan wax soo-saarka gudaha, kaas oo isaga gudba xuduudka labada dhinac ee ku dheraran Gobollada Mudug iyo Cayn, kuwaas oo soohdin la wadaaga Gobolka Doollo ee Dowlad degaanka DDS.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.