Madaxweyne Deni oo maanta o safraya Ethiopia

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Isniin ah u safraya magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia.

Safarka Madaxweyne Deni ee dalka Ethiopia, ayaa ku saabsan Arrimaha Horumarinta Ganacsiga iyo Wax soo-saarka Khudaarta, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Safarkiisa ayaa ku soo beegmay, maalin kadib markii uu Madaxweynuhu si rasmiya u furay Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland, islamarkaana ka jeediyay khudbada Dastuuriga ah.

Ethiopia iyo Puntland, waxa ka dhexeeya xiriir Ganacsi oo u badan wax soo-saarka gudaha, kaas oo isaga gudba xuduudka labada dhinac ee ku dheraran Gobollada Mudug iyo Cayn, kuwaas oo soohdin la wadaaga Gobolka Doollo ee Dowlad degaanka DDS.

PUNTLAND POST