
Hay’adda IOM ayaa sheegtay in ay gargaar u fidisay dad tabaaleysan oo ku sugan magaalada Dooloow ee gobolka Gedo .
Dadkan oo u badan kuwa ku barakacay abaaraha iyo colaadaha ayaa IOM tilmaantay in ay ku jiraan caruur uu haleelay cudurka shuban biyoodka iyo nafaqo daro.
Mashruucan oo ay maal gelisay dowladda Japan ayaa waxaa IOM ka caawinaya wasaarada caafimaadka ee Soomaaliya .
Caruurta ayaa la siinayaa daawooyinka fuuq baxa ka hortaga ee ORS iyo maadooyinka biyaha lagu nadiifiyo.
Dad badan oo barakacayaal ah iyo kuwa nugul ee bulshada ayaa ka faa’iideystay mashruucaan
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.