Waxa saaka oo Axad ah lagu wadaa in uu Xarunta Baarlamanka Puntland ee Caasimadda Garoowe ka furmo Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiilada Puntland.
Munaasabadda Furitaanka Kal-fadhiga Baarlamanka, waxa ka qayb-galaya Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan, xubno ka tirsan Golayaasha kala duwan ee Puntland, xildhibaanno ka socda Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne Deni, oo furi doona Kal-fadhiga ayaa sida qorshaysan ka jeedin doona Khudbad dhinacyo badan, oo uu kaga warbixinayo Arrimaha Puntland iyo guud ahaan Siyaasadda Soomaaliya, gaar haanna Arrimaha Doorashada 2020/2021.
Sidoo kale, waxa lagu wadaa in Madaxweyne Deni uu ka warbixiyo safarkiisi ugu dambeeyay ee dibadda, kaas oo uusan wixii uga qabsoomay la wadaagin Shacabka.
PUNTLAND POST