Madaxweyne Deni oo u baxaya Safar dibadda ah

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda safar ugu baxo magaalada Adddis Ababa ee xarunta waddanka Ethiopia.

Madaxweyne Deni, oo maalinta berriya furi doona Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa sida qorshaysan Golaha u jeedin doona khudbad ku saabsan Arrimaha Xukuumaddiisa u qabsoomay mudadii u dhexaysay labada kal-fadhi ( 30 July-25 October 2020).

Sidoo kale, Madaxweyne Deni, ayaa la filaya in uu todobaadkan gudihiisa u baxo safarkiisa Ethiopia, kaas oo la xiriira Arrimaha Horumarinta Ganacsiga, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

PUNTLAND POST