Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa in ay kulan aan caadi aheyn ah ku yeeshaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay u codeynta Golaha Wasiirada Cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, kuwaasi oo isugu jira xubno Cusub iyo kuwo horey uga tirsanaa Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goor sii horreeysay loo diray fariimo wargelin ah oo ku aadan inuu jiro kulanka Golaha Shacabka, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan, si loo ansixiyo Golaha Wasiirada oo laga sugayo shaqooyin farabadan.
Maalmihii lasoo dhaafay Golaha Wasiirada magacaaban ee Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulamo la qaadanayay qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyagoona ka dalbanayay inay codka kalsoonida ah siiyaan, lana shaqeeyaan.
PUNTLAND POST