Baroor-diiq loo samaynayo Muftigii Dimishiq oo la qarxiyay

Boqolaal qof ayaa ka qeyb qaatay aaska muftigii caasimadda Suuriya ee Dimishiq, kaasoo Khamiistii lagu dilay qarax lala beegsaday gaarigiisa.

Sheekh Maxamed Cadnaan al-Afiyuni oo ahaa Sunni ayaa ku dhintay goobta qaraxa lagu beegsaday oo aan sidaa uga fogeyn Dimishiq.

Sheekha oo aad ugu dhawaa Madaxweyne Bashar al-Asad ayaa lagu yaqaanay wadaxaajoodyadii uu la geli jiray xoogga mucaaradka ee ka dagaallama aagga caasimadda.

Dowladda Suuriya ayaa hadda gacanta ku haysa inta badan dalkaasi, kadib dagaal sokeeye oo socday muddo sagaal sano ah.

In ka badan 380,000 oo qof ayaa ku dhintay colaaddaasi, halka 13.2 milyan oo qof ay u barakaceen gudaha iyo dibedda dalka. Tirada dadka barakacay ayaa lagu qiyaasaa inay ka dhigan tahay kala bar shacabka Suuriya.

PUNTLAND POST