Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyay Golaha Xukuumadda cusub

Mudanayaasha Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha cusub ee Xukuumadda uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble.

Kulanka oo ay xaadir ku ahaayeen 188 mudane, ayaa dhammaantood waxay cod buuxa ku ansixiyeen Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda, islamarkaana ma jirin cid diidday iyo cid ka aamustay midna.

Ansixinta ka hor, Ra’ iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Golaha u akhriyay Khudbad la xiriirta Barnaamijka Xukuumadda cusub oo uu diiradda ku saaray Sugida Aamniga,Caddaalada,kobcinta dhaqaalaha,xakameynta Covid-19,ilaalinta xuquuqul insaanka iyo qabsoomida doorashooyinka 2020-2021.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa isla goobta ku dhaariyay xubnaha golaha wasiirrada cusub ee baarlamaanku uu meel mariyay.

PUNTLAND POST