Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoo,r ayaa gudbiyay xubnaha Galmudug ku matalaya guddiga doorashooyinka iyo guddiga xallinta Khilaafaadka ee heer Federaal.
Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf iyo Liibaan Axmed Xasan, ayuu madaxweyne Qoor Qoor u xushay labada xubnood ee guddiga doorashooyinka Soomaaliya ku matalaya Galmudug.
Sidoo kale, Garaad Yuusuf Maxamuud iyo Mustaf Macallin Cali Salaad, ayuu ku qoray xubnaha Galmudug ku matalaya guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal.
Dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Puntland, ayaa haatan gudbiyay xubnaha ku matalaya guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka heer Federaal, waxaana harsan Hirshabeelle oo keliya.
PUNTLAND POST