
Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda Baarlamanka Puntland ayaa maanta xarunta Golaha kulan gaar ah kula qaatay Guddiga Sare ee Garsoorka Puntland.
Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Garsoorka ka dhegaystay warbixin ku aaddan waxqabadkoodii iyo caqabadaha shaqo ee jira.
Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda Baarlamaanka ayaa sidoo kale Garsoorka wax ka weydiiyey Cabashooyin ay soo gudbiyeen dad shacab ah, oo ay ka tabanayeen Garsoorka, iyagoo ka jawaabay su’aalaha la weydiiyey.
Ugu dambeyntii, Guddiga ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan cabashooyinka ay dadka shacabka ahi soo gudbiyeen, iyagoo la kaashan doona la taliyeyaal sharci.



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.