Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo uu wehliyo Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Gen. Saadaq Cumar Maxamed ayaa xalay Muqdisho ka sameeyay Socdaal u kuurgelid amni ah.
Saraakiishaan ayaa kormeer ku sameeyay Degmooyin dhawr ah oo kala ah Howlwadaag, Yaaqshiid, Hiliwaa, Wardhiigleey, Hodan, kaaraan iyo Kaxda oo dhamaan baro kontorool ay ku leeyihiin ciidamada Booliiska Soomaaliya.
Gen. Cabdi Xasan Xijaar Taliyaha Ciidamada Booliiska ayaa askarta ku sugan baraha Kontrool ee lagala socda dhaq-dhaqaaqa Caasimadda, waxa uu kula dardaarmay in ay dhowraan anshaxa Ciidanka, oo si wanaagsan ula dhaqmaan dadka ay baarayaan.
Saraakiisha Booliiska, ayaa soo indha-indheeyay isgoysyada dhawaan dhagaxaanta laga qaaday waddooyinka Maka Al-Mukarama.
PUNTLAND POST