
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa xarunta Madaxtooyada maamulkaas kulan kula qaatay wefdi ka socday dowladda Federaalka oo gaaray magaalada Dhuusamareeb.
Wafdigaas ayaa waxaa hoggaaminayay Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya, waxaana Qoorqoor uu ka dhegaystay Qorshaha safarkooda Dhuusamareeb iyo hawlaha uga degsan soo saarida Batroolka iyo kheyraadka dalka.
Guddoomiyaha Mareeyaha hay’adda Batroolka Eng Ibraahim Cali Xuseen, ayaa warbixin ku saabsan safarkooda ka siiyey Madaxweyne Qoorqoor, isagoo sheegay in ay doonayaan in la xoojiyo wada shaqaynta Wasaaradda Batroolka Galmudug iyo Hay’adda si siwadajir ah looga qeyb qaato soo saaridda Batroolka dalka.
Madaxweyne Qoorqoor, ayaa uga mahadceliyey mas’uuliyiinta Hay’adda Batroolka ee Socdaalkooda ay ku tageen Magaalada Dhuusamareeb, si ay xog wareysi ula yeeshaan madaxda dowlad goboleedka Galmudug.
Kulanka Madaxweyne Qoor Qoor, uu la qaatay Mareeyaha hay’adda ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Galmudug.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.