Kalfadhiga labaad ee Baarlamanka Koonfur Galbeed oo maanta furmaya

Magaalada Baydhabo waxaa lagu wadaa in uu maanta oo Isniin ah ka furmo kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-geli doona madax uu kamid yahay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo  wufuud kala duwan oo ka kala socda dowlad goboleedyada dalka.

Mas’uuliyiinta ka qeyb-galeysa munaasabadda fritaanka kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay halkaasi ka jeedin doonaan khudbado kala duwan.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa la filayaa in munaasabadda uu khudbad ka jeediyo, taas oo uu uga hadli doono arrimaha Koonfur Galbeed iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Ammaanka Magaalada Baydhabo, ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyada oo agagaarka Xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed lagu arkayaa Ciidamada dowladda iyo  kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo Amniga sugaya.

PUNTLAND POST