Daacish oo ka jawaabtay xiriirka Imaaraadka, Bahrain iyo Israel

Kooxda Daacish ayaa cambaareysay xiriirka ay Imaaraadka Carabta iyo Bahrain la sameysteen Israel, waxaana ay ku baaqday weeraro aargudasho ah oo laga fuliyo Sacuudi Carabiya.

Afhayeenka Daacish Abu Hamza al-Quraishi ayaa cod muuqaal ah oo lasoo dhigay barta Telegram waxa uu ku sheegay in heshiisyada lala galay dalka Yahuudda uu la macno yahay “qiyaameyn lagu sameeyey” Islaamka.

Bahrain iyo Imaaraadka Carabta ayaa labadaba xulufo la ah Saudi Arabia, oo weli aan xiriir diblomaasiyeed oo rasmi ah la yeelan Israel.

Sacuudiga waxay sheegeen in xiriir ay la yeeshaan Israel uu ku xiran yahay in la helo dal ay leeyihiin Falastiiniyiinta, inkasta oo la rumeysan yahay inuu xiriir hoose kala dhaxeeyo.

Afhayeenka Daacish ayaa dagaal-yahanada kooxdiisa iyo Musliimnta kale ugu baaqay inay weeraro ka dhan ah reer galbeedka ka fuliyaan boqortooyada Sacuudiga oo ay ku yaalaan labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka.

PUNTLAND POST