
Dalalka Israa’iil iyo Baxrayn, ayaa shalay si rasmiya u soo celiyay xiriirkoodi diblomaasiyeed, kadib Heshiis uu Mareykanku garwadeen ka yahay oo lagu saxiixay caasimadda Baxrayn.
Baxrayn ayaa noqotay waddankii afraad oo ka tirsan dalalka Carabta, kaas oo soo celiya xiriirkii diblomaasiyeed ee kala dhexeeyay Israa’iil, waxaana ka horreeyay dalalka Masar, Imaraadka Carabta iyo Urdun.
Baxrayn iyo Israa’iil waxay kala saxiixdeen heshiis diblomaasiyeed oo dhammaystiran, kaas oo ay ku jiraan furidda safaaradaha labada dal iyo dib u soo celinta wada-shaqayntii labada dowladood.
Balse, waxa tallaabadaas si adag u cambaareeyay dhinacyada Falastiiniyiinta oo sheegay in xiriirkaasi dhabar-jab ku yahay Qaddiyadda dhulka Falastiin ee ay haysato Israa’iil.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.