Xog: Sidee ku dhacday qabsashadii ciidamada ee Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland?

Warbaahinta Puntland Post ayaa xog dheeraad ah ka heshay ciidamo gadoodsan oo maanta qabsaday xarunta weyn ee Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ee Boosaaso.

Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa ahaa ciidamo 16 September 2020 loo diray badda, kuwaas oo siyaabo kala duwan loo hawl galiyay, ayna soo diyaariyeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Pumrland Cabdirisaaq Jaamac Aadam iyo Wasiir xigeenka wasaaradaas Cabdikhaalaq Maxamed Xeef.

Sida ay ogaatay Puntland Post ciidanka ayaa dhammaa 20 askari waxayna ambabaxeen 16 September 2020, Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa bixisay lacag dhan $20,000 oo loogu talagalay sahayda safarta iyo gunnada ciidanka, waxaana lacagtaas soo qaaday Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Cabdirisaaq Jaamac Aadan.

Ciidanka ayaa ka soo laabtay shaqadii badda 15 October 2020, taas oo ka dhigan inay shaqeynayeen muddo hal bil ah, waxaana hoggaaminayay sarkaal lagu magacaabo Cabdi Abshir Geelle.

Sidee ku dhacday qabsashada Wasaaradda?

Maalinimadii shalay ahayd, waxaa yimid magaalada Boosaaso Wasiir xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha guud, waxaana la sheegay inay galabnimadii la kulmeen sarakiisha ciidanka, xalay fiidkii ayay ciidanku bilaabeen inay xirtaan waddada xafiiska Wasaaradda, waxayna xabado ku sigeen Madaxa Xisaabaadka Wasaaradda, oo faro ciidiya leh kaga baxsaday in la dilo, waxaana xalay ciidamadaas u xirnaa dhammaan waddooyinka soo gala Wasaaradda.

Agaasimaha guud iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradaas oo deegaan ahaan dhex dagan xafiisyada Wasaaradda, ayaa xalay ciidamadu u ogolaadeen in dhex seexdeen Wasaaradda, ayaga oo waliba wata istaaf, halka ay dadka kale u diideen inay agmaraan dhismaha Wasaaradda.

Sidoo kale saaka waxaa loo diiday shaqaalaha Wasaaradda oo dhan inay galaan xafiisyada shaqada, halka Agaasimaha guud iyo Wasiir ku xigeenka ay ku jireen gudaha Wasaaradda, sida loo xaqiijiyay Puntland Post.

Haddaba su’aalaha dhacdadan ka dhashay ayaa ah, ciidanka waxaan la siin mushaarkii ay xaqa u lahaayeen, haddaan la siin xagee la geeyay lacagtii laga soo qaaday Wasaaradda Maaliyadda? ciidanka gadoodey maxay shaqaalaha oo keliya ugu diideen inay galaan xafiisyada? maxayse madaxda qaar ugu ogolaadeen? yay ku gadoodeen, yayse u gadoodeen? miyaan la oran karin waa xoolo ninkii dhacayay uu dheelmayo.

Shakiga waxaa sii ballaariyay, markii saaka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland lacag degdeg ah ka dalbatay Wasaaradda Maaliyadda, si loogu xaliyo gadoodka ciidamada, iyadoo horey Maaliyaddu u bixisay lacag loogu talagalay ciidamadaas.

Qabsashada ciidamada ee xarun wasaaradeed oo magac xumo ku ah Puntland ayaa ku soo aaday, xili madaxweynaha Puntland loogu sameynayay Garowe soo dhaweyn gaar ah.

Agaasimaha guud iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland, waa kuwo sida la sheego awood dheeriya ka haysta madaxweynaha iyo saaxiibadiis.

Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa ah wasaaradda labaad oo dakhliga ugu badan soo xareysa, sidoo kale waxay kamid tahay wasaaradaha musuqmaasuqu hareeyo.

PUNTLAND POST