Soo dhowaynta Madaxweyne Deni oo markii u horraysay loo xiray waddoyinka Garoowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta ku soo wajahan Garoowe, ayaa markii u horraysay si dhammaystiran loogu xiray laamiga ku yaalla bartamaha Caasimadda, kaas oo halbowle u ah isu-socodka dadka iyo gaadiidka magaalada.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Koofiya-casta Madaxtooyada, ayaa subaxnimadii hore ee saaka lagu daadiyay waddooyinka kala duwan ee Garoowe, gaar ahaanna laamiga dheer ee bartamaha, taas oo xannibaad ku keentay isu-socodka magaalada.

Sidoo kale, gaadiidka kala duwan ee dadweynaha ayaan shaqaynayn saaka, kadib markii Madaxweynaha loo xiray laamiga bartamaha oo ay adeegsan jireen gaadiidka qaada shacabka, iyadoo aysan jirin waddo kale oo loo furay si ay shaqadooda u sii wataan.

Keliya waxa shaqaynaya gaadiid basas ah, oo lagu daabulayo dad loo soo xushay soo dhowaynta Madaxweynaha, kuwaas oo haatan loo daad-guraynayo dhinaca Garoonka Diyaaradaha Maxamed Abshir oo ku yaal duleedka bari ee Caasimadda.

Madaxweyne Deni, ayaa markii u horraysay tan iyo intii la doortay, waxa soo dhowayntiisa loo magacaabay guddi heer wasiiro ah, waxaana si dhammaystiran loogu xiray laamiga dheer ee bartamaha Garoowe.

PUNTLAND POST