Deni oo soo gaaray Garoowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Axad ah dib ugu soo laabtay caasimadda Garoowe, kadib safar uu ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Deni, oo loo sameeyay soo dhowayn abaabulan, ayaa markii u horraysay loo xiray waddooyinka muhiimka ah ee Garoowe, taas oo xannibtay isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada.

Waddooyinka loo xiray madaxweynaha, ayaa saamayn xooggan ku yeeshay guud ahaan nolosha dadweynaha Garoowe, gaar ahaanna xamaalatada iyo muruq-maalka danyarta ah.

Sidoo kale, soo dhowaynta madaxweyne Deni, ayaa loo magacaabay guddi ka kooban wasiiro iyo agaasinka madaxtooyada, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ku mashquulsanaa soo dhaweynta madaxweynaha.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay, kama warbixin safarkiisi dibadda, balse waxa la filayaa in uu saacadaha soo socda ka warbixiyo arrimaha uga qabsoomay safarkiisi dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

PUNTLAND POST