Boosaaso: Ciidamo ka tirsan Puntland oo qabsaday xarun wasaaradeed

Ciidan hubaysan oo ka tirsan Puntland, ayaa saaka oo Axad ah qabsaday Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ay ku leedahay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Ciidanka oo ka cabanaya in aysan helin xuquuq ka maqan, ayaa isku gedaamay xarunta Wasaaradda, waxaana ay diideen in cid soo gasho ama cid ka baxdo, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda Kalluumeysiga.

Askari ka tirsan Ciidanka gadoodsan, oo diiday in magaciisa la xigto, ayaa Puntland Post u sheegay in ay ka gadoodsan yihiin kadib markii ay waayeen xaquuq loo ballan-qaaday, xilli loo diray hawlgal la xiriira la-dagaallanka Maraakiibta Jariifka ah ee Xeebaha Puntland.

Xarunta Wasaaradda, waxa haatan ku go’doonsan mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Agaasimaha guud ee wasaaraddaas, kuwaas oo ciidanku diideen in ay ka baxaan Xarunta.

PUNTLAND POST