Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab ka wado Galmudug

Madaxweynaha Dowlad goboleedka galmudug, Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor), ayaa sheegay in Maamulkiisu uusan aqbali doonin colaad iyo qalalaase ka dhaca Galmudug.

Qoor Qoor, wuxu sheegay in dadka Reer Galmudug lagu xanto, in ay degaannadooda ka jiraan Colaad, balse Madaxda Galmudug ay diyaar u tahay inay ka hortagto waxkasta oo keeni kara Colaadaha.

Madaxweyne qoor Qoor, oo hadal ka jeedinayay Munaasabad Jaamacad lagu furayay oo ka dhacday guriceel, ayaa sheegay in Galmudug ay ka hortegi doonto waxkasta oo dib u dhigi kara horumarada Galmudug, sida weerarada ay geystaan Ururka Al-Shabaab.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug, ayaa kusoo beegmay xilli maalmihii la soo dhaafay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen degaano ku yaalla duleedka Dhuusamareeb

PUNTLAND POST