Trump oo doonaya in uu Ciidamada Maraykanka ka saaro Soomaaliya

Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump, ayaa doonaya in uu Ciidanka Maraykanka ka saaro gudaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay La-taliyaashiisa qaarkood.

In ka badan 700 oo askarta Maraykanka ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo tababar iyo taakulayn kala duwan siiya Ciidamada Soomaaliya, islamarkaana xarumo ku leh gudaha dalka.

Sidoo kale, Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika oo loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa duqaymo dhanka cirka ah ka fuliyaha gudaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu beegsado kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Madaxweyne Donald Trump, oo fulinaya ballan-qaadkiisi ololaha doorashada ee ahaa, in uu Ciidamada Maraykanka ku soo celinayo dalkooda, ayaa haatan qorshaynaya in uu Ciidankiisa kala baxo Soomaaliya, sida uu sheegay Wargeyska Bloomberg.

Wargaysku wuxu tilmaamay in arrintan loo xil saaray La-taliyaha dhinaca Ammaanka Madaxweynaha Mr Robert O’Brien, oo ay weheliyaan Xoghaya Difaaca Mark Esper iyo Taliyaha Ciidamada Maraykanka Gen. Mark Milley

PUNTLAND POST