Puntland wax sii qaaliyooba ma aha e, wax raqiisa la waa

W. Q. Cabdullaahi Bootaan

Qiso yar oo saakay aan la kulmay, balse xambaarsan laba arrimmood oo mudan in la is kor taago, baan idinla wadaagayaa.

Saakay, aniga oo usoo jarmaaday shaqadayda sidii caadada ii ahayd, waxaan soo raacay gaadiidka dadweynaha. Intii uu Covid-19 jiray, dowladda hoose ee magaaladu waxa ay soo rogtay in shacabku bixiyaan $0.20 nooli ahaan halka horey shacabku u bixin jireen $0.12, balse waxaa raacsanayd in gaariga oo horey loogu raaci jiray 10 qof, laga dhigay in lagu raaco 6 qof.

Taasi waxay gaadiidleyda u sahlaysaa inay helaan dhaqaalihii ay horey uga heli jireen dadka ay qaadaan. Waxaa jirtay in darawalladu billaabeen inay jebiyaan xeerkii la’isku ogaa ee ahaa in ay qaadaan 6 qof oo keliya, halka ay isla markaana doonayaan in lacagtii aanay waxba ka dhimin. Taas oo keentay in dadku mararka ay deg-degsanyihiin aanayba hadal ka keenin tirada rakaabka. Waxaa dhacda inay saaraan 10 qof, kana qaadaan $0.20, taas oo ah xadgudub lagu sameeyey wixii sharcigu qabay.

Sicir-bararka faraha ba’an ku haya Puntland wuxuu dugsadaa habacsanaanta dadka

Haddaba saakay markii ay buuxsantay tiradii 6-da qof ee la’isku ogaa, ayuu darawalkii arkay dad jidka, taagan, wuxuuna damcay in uu gaariga soo saaro, balse aniga oo xusuusinaya in uu sharciga jebiyey, ayaan ku iri “Ogoow, haddii aad dad kale soo saartid, waxa aan bixinayaa $0.12”. Darawalkii ayaa si caro leh u celiyey gaarigii, waxa uuna igu yiri “Iiga deg gaarigayga, maqaadanayo $0.12”. Waxa aan ku iri “Adigu laamiga ka deg, ama dowladda hoose ina gee, ama meeshii aad igasoo qaadday igu celi”. Dadkii gaariga ila saarnaa ayaa qaar kamid ahaa waxay ii soo jeediyeen in aanan la murmin oo iska siiyo lacagta uu rabo, balse cidna ima oran “waad ka saxantahay oo waa inuu darawalku sharciga u hoggaansamo”.
 
Arrinta 1aad

Darawalku in uu sidaa iila dhaqmo ma aha wax yaab leh, waayo wuxuu arkay in cid walba oo hesha fursad ay wax ku qaaliyeyso aysan cafin, waxkasta oo dhacana aysan qiimihii hoos u soo celin, sidaa awgeed, maadaama ganacsatadu maciishadda qaaliyeyso, dowladdu canshuurta kordhiso, goobaha waxbarashadu lacagta sanad walba kordhiyaan, cid walba oo adeeg bulshada u haysaana sidaa tahay, gar buu u arkay in uu isna fursaddaas ka faa’iideysto oo sharciga jebiyo isagoo ka faa’iidaysanaya sicirka nooliga dowladdu u kordhisay.

Arrinta 2aad

Markii aan darawalka xusuusiyey sharcigu siduu ahaa, dadku halkii ay runta indhaha darawalka ka saari lahaayeen, ama ugu yaraan iskaba aamusi lahaayeen, waxay darawalkii ku garab-istaageen inuu sharciga jebiyo “War iska daaya oo siduu rabo u yeela”. Sidaa ayeyna cid walba oo bulshada mas’uuliyad u haysa ula baxday baar loo firo, cid la xisaabtantaana aysan jirin.

Gunaanad

Labadan arrimmood waxay dhaawac weyn ku yihiin dheellitirnaanta hannaanka nolosha bulshada, waxayna cadaadis weyn saarayaan dadweynaha oo la kufaa kacayo culayso badan, heer ay gaaraan in noloshu ku sii adkaato bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan danyartuba. Waxaannu u baahannahay in qof walba oo inaga mid ah uu naftiisa ka dhaadhiciyo in dhibta maanta la qarsado, berri ay adkaan doonto in laga hadlo.

Aynu la xisaabtanno darawallada, darawalladuna hala xisaabtameen dowladda, dowladduna hala xisaabtanto shacabka, qolo walbana waa inuu garowsado waxa lagu leeyahay sida uu u garowsan yahay xaqa uu leeyahay.

W. Q. Cabdullaahi Bootaan