Wasiir Cawad oo kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah eeXukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay Wakiilka  Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiir Cawad ayaa lagu sheegay in Labada mas’uul ay ka wada hadleen Iskaashiga Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya iyo sidoo kale Xaaladda Gobolka ka jirta.

Axmed Ciise Cawad ayaa warbixin ka siiyay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan hormarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay Arrimaha xiriirka caalamiga ah ee saaxibada caalamka ,dhaqaalaha iyo dib u-dhiska dalka.

Waxaan isla falanqeynay Arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga Qaramada Midoobay,  Arrimaha Qaranka mudnaanta u ah iyo xaaladaha gobolka ka jira” ayaa lagu yiri Qoraal ka soon baxay Xafiiska Wasiir Cawad.

PUNTLAND POST