Dibad-baxyo rabshado wata oo ka socda Belarus

Booliska rabshadaha ka hortaga waddanka Belarus ayaa dhuumo biyo ah u adeegsaday si ay u kala ceyriyaan dibad-baxayaal diiddan madaxwaynaha dalkaas Alexander Lukashenko.

Dibad baxyada ayaa ka socday dalka Belarus tan  iyo markii uu madaxweyne Lukashenko guul muran badan dhalisay uu ka sheegtay Mr Lukashenko doorashadii dhacday bishii August.

Tobonaan kamid ah dibad baxyaasha ayaa lagu xiray rabshadihii ugu danbeeyay ee dhacay maalinnimadii Axadda.

Waxaa sii kordhaya cambaarayn loo jeedinayo madaxwaynaha Belarus oo lagu eedeenayo in uu ku shubtay doorashadii ugu danbaysay ee ka dhacday wadankaasi.

PUNTLAND POST