Ururka Al-shabaab, ayaa markii u horraysay war ka soo saaray dil habeen ka hor ka dhacay masaajid ku yaalla xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Dilka waxa loo gaystay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Siciid Jaamac Maxamed (Siciid Maradona), islamarkaana ahaa Taksiile isaga shaqeeya magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.
Al-shabaab ayaa sheegatay dilka marxuumkaas, oo ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa hay’adda Sirdoonka u qaabilsan Dowladda Puntland.
Sidoo kale, Al-shabaab waxay ku andacootay in marxuum Siciid Maradona uu gacan ka gaystay hawlgal raaf ah oo ciidanka Puntland ku sameeyeen dad leh astaamo diimeed, kuwaas oo Gaalkacyo lagu qabtay.
PUNTLAND POST